Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan gaar ah kula qaatay Bilyaneer Elon Musk, oo ah milkiilaha shabakadda Twitterka, sidoo kale ah hantiile iska leh shirkado waa weyn oo caan ah.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweenayaan safarka uu dalkooda ku yimid Elon Musk, waxa ayna wasaaradu ka gaabsaday in faah faahin badan ka bixiso kulanka wasiirka iyo Musk dhax maray.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in dalkooda kusoo dhaweenayaan maal-qabeennada iyo hoggaamiyaasha ganacsiga adduunka ee doonaya in ay kor u qaadaan is kaashiga labada dhinac.
Elon Mask oo ah milkiilaha shirkadda gawaarida korontada ee Tesla ayaa warshadeeda ugu weyn waxa ay ku taalaa Shanghai, dalka Shiinaha ayaa ah suuqa labaad ee ugu weyn ee shirkadan marka laga reebo Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com