Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkada Facebook oo sameesaneysa lacag u gaar ah iyo Walaac xoogan oo laga muujiyay

Shirkada xiriirka bulshada ee Facebook ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku sameesato lacag gaar ah, waxaana qorshahan durba walaac xoogan ka muujiyay Mareykanka iyo Midowga urub.

Maamulka sare ee Shirkada Facebook ayaa go’aamiyay in dhawaan lasoo saaro lacag cusub oo digital u gaar ah, lacagtan casriga ah ay soo saareyso shirkada Facebook ayaa loo bixiyay ‘Libra’, waana lacag la doonayo in Moobeelada la isaga diro.

Sharci dajiyayaasha dalalka Mareykanka iyo Yurub ayaa durba walaac xoogan ka muujiyay lacagtan cusub ay Facebook qorsheeneyso in ay soo saarto, waxa ayna ugu baaqeen shirkada Facebook in ay mashruucan hakiso.

Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Maaliyadda ee Aqalka cad ee Maraykanka Maxine Waters , ayaa sheegay in Facebook ay joojiso soo saarista lacagtan ‘Libra’ ilaa ay ka talo bixiyaan waaxaha dawladeed ku shaqo leh arrimahan iyo sharci yaqaannadu.

Shirkada Facebook ayaa qorshaheeda ay lacagta ku sameesaneyso kala kaa shanaysa 27 shirkadood oo kale, oo ay ka mid yihiin Mastercard, PayPal iyo Uber, si ay u sameeyaan hay’ad fadhigeedu yahay Geneva oo xukunta lacagtan cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay Shaqo joojintii maanta saameysay Garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo maanta la ansixiyay (Akhriso Akhriso)

Cabdi Cade

Xiisadii Erdogan iyo Macron oo weji cusub la soo baxday (Maxaa soo kordhay)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---