Allbanaadir.com
NEWS

Maleeshiyaad dhibaato ku haya Shacabka Muqdisho iyo Yariisow oo ka hadlay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa digniin kasoo saaray maleeshiyaad hubeesan oo la sheegay in dhibaato ku hayaan qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cismaan Cumar ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad hubeesan oo dhibaato ku haya shacabka Muqdisho, waxa uuna xusay in ay xeer ilaalinta u gudbiyeen dhibaatada kooxahaasi.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in lasoo gudbiyay cabasho ka dhan ah maleeshiyaad hubeesan oo dhibaato aan loo dulqaadan karin ku haya shacabka kunool degmooyinka Kaaraan iyo Dharkeenley.

”Waa dhamaatay waqtigii magaaladan cid qori wata maamulayeen, shacabka waxaan leeyahay haka cabsanina mooryaanta , gacan bir ah ayaana lagu qaban doonaa kooxahan hubeesan” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Maleeshiyaad hubeesan oo u abaabulan qaab beeleed ayaa dhibaato ku haya qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kooxahan ayaana ku hubeesan inta badan dareeska ciidanka dowlada.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somalia oo booqasho ku tegay Magaalada Rabat

Caydiid Ali

Dhismo la dhisay Qarnigii 12-aad oo gubtay iyo dad badan oo ka naxay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Amar deg deg ah oo lagu soo xirayo Yuusuf Dabageed oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---