Mareykanka oo soo bandhigay Cadeymo cusub oo ka dhan ah Iran (Daawo Sawirada)

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeesay dowlada Iran in ay ka dambeysay weerar isbuucii hore lagu qaaday laba markab oo kuwa saliida qaada ah xili ay marayeen biyaha gacanka Cuman ee u dhaxeeya Imaaraadka iyo Iran.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa baahisay sawirro cusub oo ay sheegtay inay caddeymo  u yihiin in Iran ay ka dambeysay weerarka lagu qaaday labada markab ee saliida waday.

Sawirrada ayaa muujinaya wax Mareykanka uu ku sheegay inay yihiin ciidamada Ilaaada Kacaanka Iran oo miino aan qarxin ka dejinaya markabka Kokuka Courageous oo laga leeyahay dalka Japan.

Waaxda Gaashaandhigga ayaa sawirada ay soo bandhigtay mid ka mid ah waxa uu muujinaya halka miinada looga dhejiyey markabka, waxa ay sidoo kale sawiro kale muujinayaan dalool weyn oo ka muuqda markabka Kokuka Courageous, kaasi oo Pentagon-ka uu sheegay inuu ka dhashay qarax kale.

“Iran ayaa mas’uul ka ah weerarka, sida ay muujinayaan caddeymaha muuqaal iyo deg degta iyo diyaar garowga miinada aan qarxin looga saaray markabka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Dowlada Iran ayaa si adag u beenisay inay wax lug ah ku leedahay weerarada lagu qaaday labada markab ee marayay biyaha Cuman, waxa ayna Iran eedeyntaasi ku tilmaantay kuwa halis ah ay ku jirto nacasnimo.

- Advertisement -