Nin Baahiyay Muuqaalada Weerarkii Masaajida New Zealand oo xukun lagu riday (Sawirro)

Maxkamadda degmada Christchurch ee dalka New Zealand  ayaa xukun xabsi ah ku riday nin ganacsade ah oo lagu helay dambi ah in uu si toos ah u baahiyay muuqaalada weerarkii lagu qaaday Masaajidyo kuyaala dalka New Zealand.

Philip Neville Arps, oo ah  44 sano jir ganacsade ah ayaa Maxkamada ku riday 21-bilood oo xabsi ah, waxaana ninkan maxkamada ku heshay un uu baraha bulshada ku baahiyay Muuqaal naceyb abuuraya oo ku aadanaa Weerarkii masaajida lagu qaaday.

Garsooraha maxkamadda degmada Christchurch, Stephen O’Driscoll ayaa sheegay in ninkan dambi ka galay bulshada muslimiinta, waxa uu sidoo kale xusay in uu doonayay muuqaal kale oo weerarka ku saabsan uu ku sheegayay mid wanaagsan.

Garsooraha ayaa tilmaamay in Arps galay dambi naceyb abuurayo waxaa uu sheegay in arrin xun ay aheyd in ninkan uu muuqaalkaa tooska ah uu dadka la wadaago xilli uu socday weerarkii ka dhanka muslimiinta.

Nin hubeesan ayaa bishii Marso ee sanadkan weerar ku qaaday labo masjid oo kuyaala dalka New Zealand waxa uuna weerarkaasi ku dilay dad ka badan 50-qof oo Muslimiin ah oo masjidka u joogay in ay ku cibaadeestaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -