Caqabad soo wajahday Sixitaanka imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaam ka hadlay caqabad adag oo ka heysata wasaaradiisa sixitaanka imtixaanka dugsiga sare.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey fadhiga Golaha Wakiillada Puntland ee maanta lagu qabtay magaalada Garowe.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira, waxaa uu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland loo sixi la’ yahay dhaqaale la’aan, kadib markii ay joojiyeen hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray.

“Maanta oo aan idin hor-fadhiyo imtixaanka shahaadiga sideedaadka waa la saxay waa noo suurtagashay, imtixaanka form four-ka (Dugsiga Sare) wuu inoo yaalaa, wuxuuna u yaalaa oo loo sixi kari waayay dhaqaalo la,aan, Imtixaanku caqabado fara badanoo la kulmaa, caqabada ugu weyna hadda waa caqabada dhaqaalaha, lacagta laga qaadaa waalidiinta kaliya kuma filna in imtixaanka min bilow illaa dhammaad ay daboosho.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Wasiirka oo sii hadlayay wuxuu yiri “haddii tusaale yar aan idin ka siiyo imtixaankii 2020-kii la qaaday:- Waalidku waxay bixiyeen 46%, Hay’adaha waxbarashada nagala shaqeeyaa waxay bixiyeen boqolkiiba afartan iyo saddex (43%), Puntland waxay bixin lahayd boqolkiiba lix iyo toban (16%), iyadoo sidaas ah boqolkiiba lix iyo toban ay bixin lahayd Puntland 2020-kii ma bixin, waxaa jiray daruufo dhaqaale oo uu sababay cudurka Korona.

Puntland iyo Somaliland ayaa yihiin ka soocan maamul Goboleedyada kale ee dalka, waxayna gooni u qaataan Imtixaanaadka Shahaadiga ee dugsiyada dhexe iyo Sare

 

- Advertisement -