Allbanaadir.com
NEWS

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka jawaabay dacwad laga gudbiyey Xulka gobolka Banaadir (Akhriso)

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa jawaab ka soo saaray Ciyaaryahan  ka tirsan xulka Gobolka Banaadir oo ay dacwad ku soo oogeen xulka Jubbaland.

Qoraal ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa lagu sheegay in ciyaaryahanka C/majiid Cismaan Ibraahim oo No. 9aad u xirta G/Banaadir aanu ahayn ajnabi, kana qeyb qaadan karo tartamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Shalay ayaa wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlad goboleedka Jubbaland ay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta u gudbiyeen dacwad ay ka qabeen ciyaaryahan Cabdimajiid Cismaan oo ka tirsan Xulka Gobolka Banaadir ee ka qeyb qaadanaya Tartanka kubada Cagta ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Kooxda Jubbaland ayaa la sheegay iney ku qanceen jawaabta dacwadooda uu ka bixiyey Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ing. Yariisow oo u laab qaboojiyey gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee Gudoomiye Aadan Madoobe loogu soo dhoweeyey Riyadh (Sawirro)

Caydiid Ali

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Nairobi iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---