Ing. Yariisow oo u laab qaboojiyey gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo ku-xigeenadiisa ayaa kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la yeeshay guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee gobolka Benaadir.

Ing. Yariisow ayaa ku dhiirageliyey inay sii xoojiyaan u adeegidda dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho

Mudane Yarisow ayaa sheegay ujeedka kulankani inuu yahay isbarasho iyo kala warqaadasho, isagoo ugu baaqay guddoomiyaasha degmooyinka in la dar-dargeliyo shaqada, wuxuuna ugu laab qaboojiyey in wax isbadal deg-deg ah uusan jiri doonin.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqada aad u haysaan dalkiina iyo dadkiina, anaguna diyaar baan idiinla nahay wixii aad u baahan tihiin, qof walba waa inuu qaataa masuuliyaddiisa xilna iska saaraa horumarinta caasimadda. Waxaan idiin xaqiijinayaa inuu-san jiri doonin wax isbeddal deg deg ah, qof walbana laga rabo inuu sii xoojiyaa shaqada uu hayo”.ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yariisow.

Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday wax-qabadka degmooyinka mudadii ay joogeen iyo sida ay uga go’an tahay in la sameeyo adeeg shaqo oo hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -