Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Nairobi iyo Booliiska oo ka hadlay

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in sargaal katirsanaa ciidanka booliiska dalkaasi geestay toogasho uu ku dilay dad badan ay ku jirtay xaaskiisa.

Sargaalkan oo watay qoray Ak-47 ayaa toogtay xaaskiisa waxa uuna markaa kadib dilay shan ruux kale halka uu labo qof oo kalana dhaawacay, sargaalkan ayaana markii dambe isna isku dilay isla goobtaasi.

Booliiska Kenya ayaana xaqiijiyay dhacdada sargaalkan ay ku tilmaameen khaa’in uu ku dilay dad gaaraya lix qof ay ku jirto xaaskiisa, waxa ayna booliiska sheegeen in la baarayo waxa kalifay dilka sargaalkan uu geestay.

Deegaanka toogashada ka dhacday oo katirsan magaalada Nairobi ayaa waxaa ka dhacay banaan bax dadka deegaanka uga soo horjeedeen toogashada uu geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa marar badan geestay falal aad lpooga argagaxy ay kamid yihiin dillalka xaasakooda iyo xubno katirsan qoysaskooda, dhacdooyinkaasi ayaana la sheegay in ay ka dhashaan muran qoys iyo arimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -