Kenya oo shaacisay khasaaraha kasoo gaaray Qarax Al Shabaab saakay la beegsadeen …

Wararka ka imaanaya deegaanka Khorof Harar oo hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in saakay qarax miino ay la kacday gaari ay lahaayeen ciidanka booliiska Kenya.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada booliiska Kenya ee la qarxiyay , waxa ayna dowlada qiratay khasaaraha qaraxan kasoo gaaray.

War kasoo baxay dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in qaraxan Miino ee lala eegtay gaari ay la socdeen booliiska Kenya ay ku dhinteen 8-askari sidoo kale dhaawacyo culus kasoo gaareen 5-askari oo kale.

Qaraxan Al Shabaab ku dileen ciidamada booliiska Kenya ayaa kusoo aadaya xili shalay Al Shabaab shaaciyeen in deegaan lagu magacaabo Kontonka oo kuyaala duleedka Wajeer ay kasoo qafaasheen ciidamo katirsan booliiska Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -