Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkii sababta u noqday in dad badan lagu laayo Gaalkacyo

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyada dil xalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geestay Sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida maamulka Galmudug.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsanaa kooxdooda ay ka dambeeyeen dilka loo geestay Cali Dhiif ay sheegeen in uu ahaa sargaal katirsanaa Nabad sugida Galmudug horeyna dhibaatooyin u geestay.

Waxa ay sheegeen Al Shabaab in uu ninkan dambi ka galay shacabka gobolka Mudug sidoo kale qeyb ka ahaa howlgal ciidamada Galmudug kusoo qab qabteen dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab oo kasoo firxaday deegaanada Garacad iyo Suuj sanadkii 2016-kii.

Dilka sargaalkan xalay loogu geestay magaalada Gaalkacyo ayaa sabab u noqday in dabley hubeesan oo ninkan ku heyb ahaa in ay laayeen dad ka badan 10-qof oo badankood ay kasoo jeedeen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo Itoobiya ku eedeysay faragelin iyo iska horkeen

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo qabtay Burcad hubeesan iyo kooxo Maandooriye Iibinayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---