Somaliland oo si cajiib ah uga hadashay Heshiiskii ay gaareen Dowladaha Somalia iyo Itoobiya

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Heshiis magaalada Muqdisho ku gaareen Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ayna Somaliland sheegeen in heshiiskaasi gaareen labo dowladood oo daris la ah.

Wasiirka arimaha dibadda maamulka Somaliland Sacad Cali Shire  ayaa sheegay Heshiiska ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya in uusan waxbo ka khuseyn maamulkooda , waxa uuna xusay in heshiiskaasi u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in heshiiska labada dal gaareen aysan ku jirin wax khuseeya Somaliland gaar ahaan Dekadda Berbera, waxa uuna intaa ku daray arinta ku aadan ilaalinta midnimada Soomaaliya in aysan iyagu shaqo ku laheyn ee Soomaaliya inteeda kale khuseyso.

“Midnimada laga hadlayo malaha waa tan Soomaaliya ee annagu mid aannu ku jirno ma aha. Wixii ay halkaa kaga hadleen labada dal , deked ama arrin kale oo Somaliland khuseysa  kuma jirto”.Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland.

Wasiir Sacad Cali Shire oo la weediiyay in dowlada Itoobiya wax ka weediinayaan Heshiiska Dowlada Soomaaliya la galeen ayuu ku gaabsaday in ay eegi doonaan hadii ay Dowlada Itoobiya wax ka bedesho heshiis ay horey ula gashay maamulkooda.,.

“Waannu arki doonaa haddii Itoobiya ay wax bedesho heshiiskii aanu galnay, laakin heshiiska Soomaaliya ay wada galeen ma aha mid wax ka bedelaya heshiiskii naga dhaxeeyey”. Ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Muqdisho ku gaaray Heshiis qodobo badan ka kooban , waxaana qodobada heshiiska kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato Dekaddo kuyaala Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Itoobiya horey Somaliland saami uga siisay Dekadda Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -