Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo rasaas dhaceysa

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa kahor ayaa waxaa dhacday rasaas xoogan waxaana xigay qarax xoogan oo halkaasi ka dhacay, waxaana wali la maqlayaa rasaas ka dhaceysa aaga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada amaanka ee ku sugnaa koontaroolka ka horeeya isgooska Sayidka ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaariga qaraxa waday oo xoog kusoo gudbay , waxaana xiligaa kadib qarxay gaariga.

Jugta qaraxan ayaa ahaa mid aad u culus oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa uuro madow oo ka baxeysa goobta uu goordhaw qaraxan xoogan ka dhacay.

Aaga uu qaraxu ka dhacay waxaa kuyaala xarunta golaha shacabka Soomaaliya, waxaana xarunaasi xiliga qaraxa dhacayay ku sugnaa Xildhibaanada oo maanta uu furmay kulankooda kadib fasax ay kasoo laabteen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -