Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Nin Al-Shabaab ka tirsanaa 13 sano oo isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Maxamed Cumar Maxamed oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Cumar ayaa ka tirsanaa xoogaga Al-shabaab ee degmada Jamaame iyo nawaaxigeeda ka howlgala

Guutada 11-aad Qeybta 43-aad ee ciidanka XDS ayaa Maxamed oo ay eryanayaan xubno ka tirsan Al-shabaab ka dhiciyey isla markaasna ka badbaadiyay,  soona dhoweeyey sida saraakiishu sheegeen.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in al-shabaab ay ka xaysteen isagoo 8-jir haatana da’diisu ay tahay 21-sano jir

Ka dib markii aan arkay dhagarta iyo dhibta joogtada ah ee al-shabaab iyo howlgalada ciidanka XDS ka wadaan dalka ayaan go’aansaday inaan ka soo baxsado kooxdaas”  ayuu yiri Maxamed Cumar Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Puntland oo maanta la daahfuray (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo wadahadal la yeeshay Abdalla Bin Salam (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---