Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Dadkii lagu laayay magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye ayaa si kulul u canbaareeyay dadkii shacabka ahaa ee xalay sida arxan darada ahaa loogu laayay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Maareeye ayaa falka dadkaasi xalay lagu laayay ku tilmaamay mid aad looga argagaxo, waxa uuna ku baaqay in lasoo qabto dadkii falkaasi ka dambeeyay lana horgeeyo sharciga .

”Waxaan ugu baaqeynaa maamulka Galmudug in uu sharciga horkeeno dambiliyeyaasha dadka shacabka sida naxariis darada ah xalay ugu laayay magaalada Gaalkacyo” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Waxaa wali socda cambaareynta falkii xalay lagu laayay 8-qof oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana horey falkan u cambaareeyay Masuuliyiin, Xildhibaan iyo Siyaasiyiin caan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka federaalka Itoobiya oo Maamul cusub u magacaabay gobolka Tigray

Caydiid Ali

Aqalka sare oo meel mariyey hindise sharciyeed khuseeya dadka ajaaniibta ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni oo digniin siiyey shaqsiyaad ku sugan Garoowe, laamaha amnigana faray..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---