Allbanaadir.com
NEWS

Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo ninkii ka dambeeyay oo la qabtay

Waxaa goordhaw qarax kale uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM 4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw koontaroolka laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari nuuciisu ahaan NOAH oo waxyaabaha qarxa saarnaayeen, waxaana gaarigan la sheegay in uu daba socday labo gaari oo nuuca aan xabaduhu karin oo loo maleenayo in masuuliyiin la socdeen.

Sida aan wararka ku helnay gaarigan ayaa laga shakiyay kahor inta uusan qarxin, waxaana rasaas lagu riday gaariga ku dhaawacmay ninkii waday gaariga oo markii dambe kasoo dagay isaga oo sheegaya in uu yahay shacab aan qarax wadin.

Goobjooge ayaa noo sheegay in Daqiiqado yar kadib iyada oo gacanta lagu hayo ninka gaariga waday uu gaariga qarxay, lamana oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan ay fashiliyeen ciidamada amaanka.

Qaraxan ayaa daqiiqado yar ka dambeeyay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay bar koontarool oo kuyaala meel ku dhaw isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaas oo laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo xarunta golaha shacabka.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Shirka golaha wadatashiga & Rooble oo lagu cadaadinayo..

Caydiid Ali

Arday ka badan 110 oo ka qelin jebiyey Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey Xeer cusub oo Muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---