Allbanaadir.com
NEWS

Shir ay ka qeyb galayaan Kheyre iyo Shariif Xasan oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka furmay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo beelaha dagaalada soo noq noqda ku dhax maraan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya , Gudoomiyaha Aqalka sare ,Wasiiro iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirkan dib u heshiisiinta ah ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arimaha Gudaha.

Shirkan ayaa lagu heshiisiinayaa beelaha dega gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan kuwa uu dhax maro dagaalada soo noq noqday, waxaana shirka goob joog ka ah Waxgaradka Beelaha la heshiisiinayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha oo shirkan ka hadlay ayaa sheegay in xiligan nasiib daro tahay in dalka uu ka dhaco dagaal qabiil ku saleysan, waxa uuna tilmaamay in dagaal aan lagu kala adkaaneyn balse dhibaato un laga dhax layo.

Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa in xal laga gaaro dagaalada kusoo noq noqday gobolka Shabeelaha Hoose, dagaaladan ayaana dib u dhac u keenay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan xarunta gobolkaasi ee magaalada Marka

Waxii Warar ah ee kusoo kordha shirkan kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Arimo Muhiim ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Puntland oo si diiran usoo dhaweesay Talaabadda uu qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---