Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa ciidanka Booliiska oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo Madaxweyne ka hadlay

Sargaal sare oo katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay Gasahaanle Dhaxe Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) ayaa caawa lagu dilay Muqdisho, gaar ahaan agagaarka xarunta Iskuul Buluusiya.

Sida aan wararka ku helnay koox biskoolado ku hubeysnaa ayaa sargaalka dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa uga dhuftay, dilka kaddib ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen kooxdii dilkaasi fulisay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay , waxa ayna ciidamada halkaasi ka bilaabeen baaritaano , iyadoona xusid mudan tahay in goobta dilka ka dhacay si weyn ammaankeeda loo adkeeyay.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Gaashaanle Dhaxe Aadan Biid,  waxa uuna xusay in sargaalkan Qaranka Soomaaliyeed muddo dheer usoo shaqeeyay.

”Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” Ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Dilkan caawa loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa abuuray shaki iyo walaac, waxa ayna dad badan isweediinayaan sida ay ku fududaatay in sargaal sare lagu dilo goob ammaankeeda la adkeeyo ayna baxsadeen raggii dilka geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo furmay (Sawirro)

Caydiid Ali

War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Culimada Soomaaliyeed uga socday Muqdisho

Cabdi Cade

Askar katirsan Ciidamada Mareykanka oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen biyaha Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---