Dad badan oo ku dhintay dab ka kacay xarun Ganacsi oo kutaala Kemerovo (Daawo Sawirro)

Dab khasaaro xoogan geestay ayaa ka kacay xarun ganacsi oo kutaala magaalada Kemerovo ee dalka Ruushka, waxaana wali socda gurmad loo sameenayo dad wali nolol iyo geeri aan laheyn.

Inta la xaqiijiyay dabkan ka kacay xarunta ganacsi oo dhoor dabaq ka koobneyd waxaa ku dhintay 48-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah, kooxaha gurmadka ayaana baadi goobaya nolol iyo geeri dad u badan caruur oo wali la la’yahay.

Dabka ayaa ka bilowday dhismaha afaraad ee xaruntan ganacsi, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay soo gaartay la sheegay in ay ku sugnaayeen goob lagu madadaasho shineemana ay ku taalay.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Kemerovo, Vladimir Chernov ayaa sheegay in 13 maydad ah laga helay mid kamid ah qololka shaneemada, waxaana dadkan la sheegay in darbi kusoo dumay.

Xaruntan ganacsi ee dhibaatada ka dhacday ayaa la furay sanadkii 2013 waxa ayna ka koobneyd, dukaaman ganacsi, makhaayado, meelo shaneemooyinka lagu daawado iyo sidoo kale meelo ay caruurtu ku ciyaaraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -