Dad boqolaal kun gaaraya oo dibed-baxyo waaweyn ka dhigay Maraykanka (Daawo Sawirro)

Dad Boqolaal kun gaaraya oo dalbanaya in la xakameeyo hubka ku jira gacanta dadka rayidka ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka.

Dadkan muddaharaadyada dhigayay ayaa u badnaa ardayda iskuulada iyo jaamacadaha, kuwaasoo doonaya in sharciyo adag laga soo rogo isticmaalka hubka dadka rayidka.

Steve Israel oo ka tirsanaan jiray xisbiga dimuquraadiga isla markaana xubin ka ahaa aqalka Kongareska ayaa ka mid ah dadka taageersan in la xakameeyo hubka balse waxa uu sheegayaa in dibad-baxyada aysan waxbo soo kordhineyn ee loo baahan yahay in xilliyada doorashadu dadka ay codeeyaan si loo soo doorto siyaasiin dhab ahaan u wajahayo arrinta hubka.

Inkastoo dad badan ay taageeryaan in la xakameeyo hubka haddana waxaa jira dad doonaya in aan hubka gebi ahaanba la mamnuucin balse qorsheyaal kale lala yimaado si dhibaatada loo yareeyo.

Toogashooyin dad badan lagu laayey ayaa sanadan dambe ku soo laalaabtay gudaha Maraykanka kuwaasoo intooda badan ka dhacay iskuulo wax lagu barto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -