Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar ku dhax dhalatay Tareen oo abaal marin loo balan qaaday  !!

Mid kamid ah shirkadaha tareenada ee ka shaqeeya dalka Ireland ayaa balan qaad muhiim ah u sameesay gabar yar oo ku dhax dhalatay tareenkooda xili talaadadii u kala gooshayey magaalooyinka Galway iyo Dublin.

Haweeney kamid aheyd rakaabka tareenka ayaa fool ku dhax qabatay tareenka xili uu safar ku jiray, waxaana haweeneyda foolatay caawiyay oo ilmaha ka dhaliyay dhaqtar iyo kalkaaliso caafimaad oo tareenka la socday.

Shirkada tareenada Ireland ee Iarnród Éireann ayaa gabadha yar ee ku dhalatay tareenkooda abaal marin uga dhigtay in 25-sano ay si lacag la’aan ah ugu safri karto tareenkooda.

Inta badan caruurta ku dhalata diyaaradaha dhaxdooda iyo sidoo kale tareenada ayaa la siiyaa abaal marino ay kamid yihiin in ay ku safri karaan diyaaradahaasi ama tareenada si lacag la’aan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamadii qabsaday Janaale oo lagu eedeeyay in tacadi fool xun geesteen

Cabdi Cade

Dayax Madoobaad 48 saac ka dib laga arki doono qeybo ka mid ah dunida iyo Somalia oo..

Caydiid Ali

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo Mushahar la’aan ka cabanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---