Al Shabaab oo ciidamo Booliis ah kasoo qafaalatay gudaha Kenya

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar qorsheesan ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Kontonka oo hoos yimaada degmada Wajeer, waxa ayna Al Shabaab soo qafaasheen ciidamo katirsan booliiska Kenya oo halkaasi joogay.

“Howlgal qorshaysan oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Kontonka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka hoostaga magaalada Wajeer ay kusoo furteen agab ay lahaayeen ciidamada booliiska Kenya ee ka howlgalayay deegaanka ay weerareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -