Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Dugsiyada sare ee Sweden iyo xaflad loo dhigay (Daawo Sawirada)

Waxaa Magaalada Vänersborg ee Dalka Sweden ka dhacday munaasaabad balaaran oo lagu maamuusayay qalin jabinta arday Soomaaliyeed oo sanadkan qeyb ka ahaa arday badan oo ka baxday Dugsiyada sare iyo Dhaxe ..

Ardayda ka qalinjabiysay Dugsiyada Sare Ee Dalka Swedan  ayaa Sanad Waliba loo dhigaa xaflado lagu maamuusayo qalinjabintooda, waxaana Sanadkaan Degmada Vänersborg ka Qalinjabiyay Arday badan oo Soomaali ah oo in mudda ah soo waday Waxbarashada Dugsiga Hoose dhaxe iyo kan Sare intaba.

Soomaalida ku Dhaqan Degmada Vänersborg ee Dalka Sweden ayaana si weyn ugu damaashay qalin jabinta caruurtooda oo mudo waxbarashada kusoo jiray, waxaana waalidiinta iyo ardaydaba wajiyadooda laga dareemayay farxad balaaran.

Degmada Vänersborg oo ah Degmo ka tirsan ama Hoos Timaado Caasimadda Labaad ee Dalka Swdan ee Götenbrog waxaa dagan bulsho Soomaaliyeed oo Maamuus iyo Sumacad ku leh Bulsahda kale ee La Dagan Degmada, waxayna Soomaalida ugu Baaqeyn ardayda Da,da Yar ee Sanadkaan ka Qalin jabiyay Dugsida Sare Swedan ay sii wadaan Waxbarashada ilaa heer jaamacadeed.

Soomaalida caruurtooda farxada qalin jabinta iyo damaashaadka la wadaagayay waxaa kamid ahaa Wariye Abuukar Gaab iyo dad kale oo magac iyo maamuus ku dhax leh Soomaalida kunool dalka Sweden.

Diyaariye:Abuukar Mohamed Mahamuud  “Abuukar Gaab Magaalada Vänersborg -Dalka Sweden

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -