Xildhibaan Baarlamanka dhexdiisa ku feeray Xildhibaanad Faadumo oo xabsiga la dhigay

Xildhibaanad Faadumo Geeddi oo ka mida Baarlamaanka Kenya ayaa dawcad ka gudbisay gacan-ka-hadal uu kula kacay Xildhibaanka Rashiid Amiin, kadib markii ay isku qabteen arrimo ku saabsan qoondeynta miisaaniyadda degaanka Wajeer ee ay kasoo jeedaan.

Daqiiqado ayay wadahadleen labada xildhibaan kadibna Xildhibaan Rashiid Amiin ayaa Feer la dhacay xildhibaan Faaduma iyadoo afkeeda uu dhiig ka muuqdo ayaana lagu baahiyey baraha bulshada dhacdadan oo Khamiistii maanta dhacday.

“Wuxuu igu tilmaamay Wecel, iyo inaan faa’iido lahayn, waa uu i garaacay, waan naxay, waan aamini waayay, wuu igu soo laabtay oo haddana wuu i garaacay”. ayey tiri xildhibaan Faaduma Geedi oo warbaahinta la hadashay.

Xildhibaan Wanga oo la socday Xildhibaanad Faaduma Geedi ayaa sheegay inay gaar u wadahadleen. daqiiqado kadibna uu arkay Rashiid oo Faadumo afka iyo wejiga ka garaacaya, iyaduna ay ooyneyso, kadiba uu dhiig ka socday.

Falkan ayaa ka dhacay fadhiga Baarlamanka Kenya ee maanta, waxaana uu sababay nin xildhibaanada haweenka ah ay fadhiga isaga baxaan

Booliska ayaa dacwad laga furay, wuxuuna diiday xildhibaan Rashiid Amiin inuu saxaafadda la hadlo, isagoo sheegay inuu kaliya arrintan kala hadlayo Booliska, iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in booliska ay xabsiga dhigeen xildhibaan Rashiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -