Haweeney uu dhalay Boqorka dalka Sacuudiga oo dacwad lagu soo oogay

Dacwada ayaa lagu soo oogay gabadha uu dhalay boqorka Sacuudiga lana dhalatay dhaxal sugaha Boqortooyada dalkaas Maxamed bin Salman.

Amiirad Hassa Bint Salman ayaa loo heystaa inay ku amartay waardiyaheeda inuu garaaco nin loo shaqaalaysiiyay inuu qurxiyo hoyga ay ku leedahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Gabadhan la dhalatay dhaxal sugaha Sucuudiga ayaa wajihi doonta bisha soo socota Maxkamad la xariirta amarka ay ku bixisay in waardiyaheedu garaaco ninkan shaqaalaha ah.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP Hassa bint Salman ayaa la filayaa inay ka maqnaato dhagaysiga Maxkamada oo lagu wado inay qabsoonto 9 July.

Dhibanahan ayaa loo qaatay inuu naqshadeeyo boqorada guriga qaaliga ah ee ay ku leedahay caasimada Faransiiska sannadkii 2016, ninkan ayaa muuqaalo sawirro ah ka qaaday gudaha qolka ay daganayd boqoradu, kadib boqorada ayaa ku eedaysay in uu doonayay in sawirrada ka iibiyo warbaahinta.

Muddo yar kadib waxay sababtay inay amarto waardiyaheeda in uu weeraro ninkan waxey ku qaylinaysay,”Dil Eygan, uma qalmo nolosha”

Dhibanaha ah ayaa sheegay in wajiga laga dhaawacay, halka gacmaha laga xiray ka hor inta aan lagu qasbin inuu Dhunkado ama Shumiyo lugaha boqorada Muddo saacaddo ah kadib, halka qalabkiisii lagala wareegay shaqadana laga eryay.

Hassa bintu Salman ayaa isaga carartay Faransiiska, halka dalabka warqadda dacwadda loo jaray in lagu soo xiro la soo saaray December sannadkii 2017, balse waqtigaas laguma guulaysan in la soo qabto, illaa xiligaasna dib uguma laaban Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -