Norwey oo War kasoo saartay xaalada Soomaaliya amaana u jeedisay dowlada Federaalka

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide iyo wafdi balaaran oo ay hogaamineyso, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Muqdisho. Waxaana safarkeeda ku weheliyay safiirka Norway ee Soomaaliya, Elin Bergithe Rognlie, ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjørn Heines iyo shaqaale katirsan wasaarada arrimaha dibadda Norway.

Wasiirka arimaha dibadda Norway, Inne Eriksen Søreide ayaa kulamo la qaadatay madaxweynaha dowlada Soomaaliya,Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Wafdiga ayaa sidoo kale la kulmay wasiiro katirsan dowlada federaalka ah, madaxda hey´addaha caalamiga ah ee ka howl gala Soomaaliya, iyo ururada gargaarka ee ka shaqeeyo Soomaaliya.

War qoraal ah oo wasaarada arrimaha dibadda Norway ay kasoo saartay booqashada wasiiradda arimaha dibadda ee Soomaaliya, ayay Norway ku amaantay  dowlada Soomaaliya dadaalka iyo isbadalada ay dalka ka hirgalisay labadii sano ee ugu danbeysay.

Wasiir Inne Eriksen ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay in dowlada Soomaaliya ay markii ugu horeysay muddo toboneeyo sano ah, laga dheehan karo xasilooni siyaasadeed iyo isbadalo aas-aasi ah oo muuqdo. Waxeyna raacisay in Norway ay soomaaliya la garab taagantahay taageero joogto ah, si loo dhameystiro, loona taabo-galiyo isbadaladan muhiimka ah.

Norway ayaa tusaale usoo qaadatay diiwaan galinta “Bio-metrica” ah ee shaqaalaha iyo ciidanka dowlada, si looga hortago musuq maasuq dowlada dhexdeeda ah, isla markaana loogu xisaabtamo awooda shaqaale iyo mida ciidan ee dowlada federaalka ah. Arintaas oo ah bilow aas-aasi ah oo gundhig u noqon kara isbadalada kale ee dalka laga hirgalin doono.

War saxaafadeedka ay dowlada Norway soo saartay ayaa sidoo kale lagu sheegay in labado sano ee soo socdo ay laga maar-maan tahay in la dhameystiro isbadalada dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada ee dowlada Soomaaliya ay hada ku howlantahay.

Norway ayaa dhanka kale qirtay in isbadalada ka socdo Soomaaliya ay soo jiiteen kalsoonida iyo indhaha beesha caalamka, dowlada Soomaaliyana loo qirsanyahay dadaalka iyo howsha balaaran oo ay wado.

Warkan qoraalka ah ee kasoo baxay dowlada Norway, ayaa sidoo kale looga digay khataro ka dhasha isbadalka cimilada aduunka, kuwaas oo saameyn ku yeelan karo Soomaaliya.

Waxaana lagu sheegay in Norway ay kor u qaadi doonto taageerada dhaqaale ee dhanka bini-aatantinimada ah oo ay siiso Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -