Nabad Sugida Jubbaland oo miinooyin ka soo saartay duleedka Kismaayo (Sawirro)

Taliska nabad sugida Maamulka Jubbaland ayaa ka soo saaray degaano ku yaalla hareeraha magaalada Kismaayo miinooyin lagu aasay wadooyinka.

Qoraal ay soo saareen ayey ku sheegeen miinooyinkan la doonayey in lagu dhibaateeyo Shacabka iyo ciidamada isticmaala jidadka laga soo saaray, iyagoo ku eedeeyey Al-shabaab iney masuul ka yihiin.

“Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa ayaa maanta miinooyinkan gaaraya Afarta ka soo saaray inta u dhaxeysa degaanada Muuse Xaaji iyo Araare, wali waxaa socda hawlgallo ballaaran oo lagu sifeynayo deeganada Argagixisadda awoodooda waxay ku soo koobantay adeegsiga walxaha Qarxa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska nabad sugida Juballand.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -