Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil loo geestay Macalimiin Kenyan ah

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda deegaan hoostaga degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ku dileen labo macalin oo Kenyan ah.

Macalimiinta la dilay oo ahaa krishtaan ayaa lagu weeraray goob ay degnaayeen oo katirsan deegaanka Carabiya ee duleedka Mandheera, waxaana kooxda hubeesan ay si gaar ah u beegsadeen macalimiintan aan muslimka aheyn.

“Howlgal ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Carabiya waxay ku dileen 2 qof Nasaaro Kenyaan ah oo xoog ku joogay dhulalka muslimiinta”ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Macalimiinta la dilay ayaa wax ka dhigayay iskuul kuyaala deegaanka lagu dilay, waxa ayna arintan cabsi badan ku beertay macalimiin kale oo wax ka dhiga iskuulo kuyaala gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan gudaha Kenya ka fulisay weeraro xoogan oo lagu beegsaday inta badan ciidamada Kenya iyo sidoo kale dadka aan Muslimka aheyn ee kunool deegaano katirsan gobolka Waqooyi bari Kenya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -