Allbanaadir.com
NEWS

Nin isaga oo hurdaya xalay kasoo dhacay Dabaq kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waaxda gurmadka deg deg ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay u gurmaday nin xalay isaga oo hurdaya misana qaraw ku jiray kasoo dhacay dabaq uu ka degnaa Degmada Xamar Weyne.

Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay afartameeyo ayaa xalay kasoo dhacay dabaqii uu degnaa, waxa uuna ninkan kusoo dhacay dabaq gaaban oo ku dhinac yaalay dhismihii uu kasoo dhacay.

Dadka deegaanka oo maqlay qeylada ninkan ayaa ku wargaliyay maamulka degmada Xamar Weyne , waxaana ninkan isaga oo jajaban sidoo kale dhaawacyo kale qaba dabaqa kasoo dejiyay Koox katirsan Waaxda gurmadka deg dega ee gobolka Banaadir.

Ninkan xalay kasoo dhacay dabaqa uu ka degnaa Degmada Xamar Weyne ayaa la geeyay isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, waxaana dhacdan noqotay mid saakay si weyn looga hadal hayo Degmada Xamar Weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Qoor-qoor lagu cadaadinayo inuu baajiyo dagaalka Guriceel?

Caydiid Ali

Golaha Ammaanka oo u codeenaya maanta in Kenya ciidamo nabbad ilaalin u dirto dalka..

Cabdi Cade

Galmudug oo Jawaabtay cad siisay Hogaamniyaha Ahlu Sunna oo Wadahadal dalbaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---