Golaha Ammaanka oo u codeenaya maanta in Kenya ciidamo nabbad ilaalin u dirto dalka..

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah cod u qaadaan in ciidamo nabbad ilaalin ah oo ay hoggaaminayaan ciidamada dalka Kenya loo diro dalka Haiti.

Ciidamo ka socda booliiska dalka Kenya oo nabbad ilaalin ah ayaa loo diri doonaa caasimadda dalka Haiti ee Port-au-Prince, haddii waddamada xubnaha ka ah golaha ammaanka u codeeyaan qaraarka horyaalla.

Golaha ammaanka haddii ay ogolaadaan in ciidamo nabbad ilaalin ah loo diro Haiti, dowladda Kenya ayaa bisha Janaayo ee sanandka 2024 u diri doonta dalka Haiti kun askari oo booliis ah , si ay gacan uga geestaan soo celinta xasilloonida dalkaasi.

Dalka Haiti oo ay la dageen rabshado ay geesanayaan kooxo burcad hubeysan ayaa waxaa diyaar u ah in ciidamo nabbad ilaalin ah u diraan dalalka  Bahamas, Jamaica iyo Antigua iyo Barbuda.

Ciidamada nabbad ilaalinta ah ee loo dirayo dalka Haiti ayaa dalkaasi ka cawain doona tababarada ciidamada iyo sidoo kale sidii wax looga qaban lahaa kooxaha abaabulan xasillooni daradda ka wada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -