Nin 100-sano jir ah oo dil u xirnaa oo 18-sano kadib xabsi laga sii daayay (Sawirro)

Dowlada Nageria ayaa cafis u fidisay nin 100-sano jir ah oo xabsi aad loo ilaaliyo ku xirnaa, ninkan ayaana lagu helay dambi ah in uu wax ka maleegay dil .

Egbunuche ayaa aad ugu farxay cafiska loo fidiyay, waxaana banaanka hore ee xabsiga Enugu ku hor qaabishay gabadhiisa iyo hay’ad u ol’olaysay siidayntiisa.

Dadka Nageria ayaa odayga xabsiga laga sii daayay ugu yeeri jiray Maxbsuuskii ugu da’da weynaa ee Nageria, waxaana sii deynta maxbuuskan waayeelka ahaa soo dhaweeyay dad badan.

Egbunuche oo qaba xanuunno ay ka mid yihiin macaan iyo aragga oo liita ayaa la geeyay isbitaal si baaritaan loogu sameeyo, balse waxaa jira walaac laga qabo waxa uu mutaysan doono.

Odaygan waxaa xabsiga kula xirnaa oo caawin jiray intii uu maxbuuska ahaa wiilkiisa oo isna dilka in uu qeyb ka ahaa lagu helay , wiilka oo odayga dhalay ayaana wali xabsiga kusii jira.

Maxbuuskan cafiska loo fidiyay ayaa durba loo qaaday xarun caafimaad si baaritaano loogu sameeyo, waxaana sii deynta odayga ku farxay xubnaha qoyskiisa iyo sidoo kale dad kale oo ehel la ahaa.

- Advertisement -