Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Waare

Waxaa soo shaac baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa salka ku haya saami qeybsiga canshuuraha laga qaado gobolka Hiiraan , waxaana Madaxweyne Waare la sheegay in uu sameestay dad gaar ah oo canshuuraha u qaada.

Yuusuf Dabageed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baladweyne ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Hirshabelle, waxa uuna ku eedeeyay Madaxweynaha in lacagaha canshuuraha ee la aruuriyo ku shubto akoon gaar ah.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan in Madaxweyne Waare uusan waxba ka qaban gobolka Hiiraan inta uu xilka hayay, waxa uu sidoo kale xusay in uusan qadarin u heyn maamulka gobolka Hiiraan.

” Madaxweynaha kuma heesano haqadarin iyo waxqabad , waxa uu doonayaa Waare in dhaqaalaha laga soo ururiyo shacabka gobolka Hiiraan uu ku shubto akaawn gaar u ah ” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Khilaafka maamulka gobolka Hiiraan iyo Madaxda Hirshabelle ayaa marar badan soo noq noqday, waxaana inta badan sabab looga dhigaa is qab qabsi dhinaca canshuuraha,ay isku qabtaan Madaxweynaha iyo maamulka gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -