Caasimada Hirshabelle oo gashay Go’doon iyo Maamulka oo ka hadlay (Sawirro)

Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa gashay go’doon ,kadib markii wadooyinka soo gala magaaladaasi ay gabi ahaan gooyeen biyaha fatahaada uu sameeyay wabiga Shabelle.

Fataahada biyaha Wabiga Shabelle ayaa gooyay oo fadhiistay wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Jowhar, waxaana istaagay gaadiidkii magaalada gali jiray waxaa sidoo kale go’day wadada loo aado garoonka Diyaaradaha Jowhar.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyibka DG Hir-Shabeelle Cabdi mahad Cabullaahi Qoorgaab oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in go’doon gashay magaalada Jowhar ayna go’een wadooyinka magaalada soo gala iyo garoonka diyaaradaha.

“Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Mahad.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dhawaan sheegay in magaalada gashay xaalad adag , waxa uuna howlgaliyay guddi ka shaqeeya qiimeynta dhibaatada ka dhalata fatahaada uu wabiga Shabelle sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -