Ciidamada amaanka dalka Mareykanka ayaa xiray nin cadaan cunsuri ah oo biyo ku weeraray guri ay degnaayeen qoys Soomaali ah oo kuyaala magaalada Faribault ee gobolka Minnesota .
Zachariah Joseph oo 18-sano jir ah ayaa lagu eedeeyay biyo si xowli ah tubo uga socoay uu ku weeraray guri ay degnaayeen Qoys Soomaali ah, waxaana ninkan tubada biyaha qoyskaasi uga galiyay daaqada , waxa uuna qooyay qolka fadhiga oo la joogay.
Hay’adaha amaanka ayaa ninkan cunsuriga ah kusoo oogtay dambi cunsurinimo iyo nacayb ah, isagoo sidoo kalena wajahaya dacwad ku saabsan inuu geystay dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Hay’adda u dooda xuquuqda islaamka ee CAIR, ayaa war ay soo saartay kusoo dhaweeysay in laamaha amaanka ay xireen ninkan cunsiriga ah ay dhibaatada iyo aflagaadada u geestay Qoyska Soomaaliyeed.
Soomaalida iyo dadka kale ee Muslimiinta ah ee kunool dalka Mareykanka ayaa la kulma falal cunsuriyad ah, waxaana Maxkamado lasoo taagay marar badab dad u badan cadaan oo loo heesto in ay ka dambeeyeen falal jinsi iyo diin naceyb ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com