Shiikha ugu caansan Culimada Al-Shabaab oo sanado ka dib lagu arkay meel fagaare ah (Sawirro)

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ah shiikha ugu caansan culimada Al-shabaab ayaa lagu arkay munaasabadii Ciidul Fitriga ee ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka J/Dhexe.

Waa markii ugu horeysay ee Shiikh Fu’aad Shongole lagu arko meelo fagaare ah sanado badan ka dib waana mid ka mid ah tiirarka ugu adag ee Al-shabaab ay ku taagan tahay, isagoo sidoo kale ka mid ah aasaasayaashii kooxdaas.

Fu’aad Shongole ayaa ahaa qofka kaliya ee muuqaalkiisa ay soo bandhigeen Alshabaab, wuxuuna khudbad ka jeediyay salaadii ciida kadib magaalada Saakow, isagoo ka hadlay dagaalka Alshabaab kula jirto dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM iyo xaaladda guud ee dalka.

Sheekhan ayaa wax xil ah ka heynin hoggaanka sare ee Alshabaab, laakiin wuxuu ka tirsan yahay maktabka dacwadda ee Xarakada oo qaabilsan soo xareynta iyo tashkiilinta dhalinyarada cusub ee Alshabaab ay dagaalgeliso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -