Masuuliyiin kormeeray Dhismaha Laamiga u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye (Sawirro)

Waxaa heer gabogabo ah maraya dhismaha laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo mudo dheer socotay, waxaana dhismaha laamigaasi gacanta ku haya Injineero u dhashay dalka Turkiga.

Wasiirka Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa kormeer u tagay dhismaha Laamigan si ay usoo qiimeeyaan halka ay mareyso.

Cismaan Dube ayaa sheegay in dhismaha wadada hada gabo gabo mareyso lana dhisay ilaa 28-km , waxa uuna tilmaamay  in waddadan ay muhiim u tahay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala goosha Gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka.

”Ku dhawaad 28 kiilo mitir ayaa la dhisay waddada, waxaana hadda joognaa meel Afgooye u jirta 2kiilo mitir, jidkan waxa uu ahaa markii hore, sadex mitir iyo sadex mitir oo labada dhinac ah, balse waxaa hadda la dhisay jid balaaran oo ah 28 mitir oo labada dhinac ah, waana kii koowaad oo laga sameeyo geyiga Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Dube.

Dhismaha Laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo la filayay in xiligan kahor lasoo gabo gabeeyo ayaa waxaa saameyn balaaran ku yeeshay weerarada Al Shabaab ku qaadaan Injineerada dhisaya wadadaasi iyo ciidamada ilaalinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -