Masjid Lacag badan ku taageeray Qoys aan Muslim aheyn oo daris la ahaa

Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic center ee kuyaala magaalada Faribault ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa lacag badan ku taageeray qoys aan muslim aheyn oo daris la ahaa Masjidka.

Jameecada Masaajidka ayaa lacag taburacaad ah u aruuriyay qoyskan aan Muslimka aheyn ee dariska la ah masjidka, qoyskan ayaana la sheegay in ay heesato dhibaato dhaqaale sidoo kale wiil yar ay dhaleen uu uga dhacay cudurka halista ah ee Kansarka.

Maamulka Masjidka Abubakar ayaa sheegay in saacad gudaheeda jameecada masjidka iska aruuriyeen lacag dhan 6-Kun oo Dollar ayna ugu deeqeen qoyska dariska la ahaa ee dhibaatada heesato.

Sheekh Cabdifitaax Sheekh Cumar, oo ah maamulka Maasjidka ayaa  sheegay inay caawimaadan uga gol lahaayeen si ay u dareensiyaan qoyskan inay Diinta Islaamku tahay mid Naxariis iyo nasteexo.

“Runtii dadku ma maleeysanayn inay muslimiintu caawinkaraan masiixiyiinta, balse waxay ku noqtay arrin aad u la yaab leh, waliba dadka xoogga uga fal celieyey waxaa ay u badnaayeen dadka cadaanka ah,” ayuu yiri Sheekh Cabdifatax.

Dadka Muslimiinta ah ayaa inta badan caawinaad u sameeya dadka kale aan muslimka aheyn si ay usoo jiitaan,waxa ayna naxariista Muslimiinta soo jiidatay dad badan oo markii dambe qaatay diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -