Labo Wadan oo horjoogsaday Qaraar UN-ka kasoo saari lahaa Xaalada Sudan .

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada  Sudan ayaa ku guuleysan waayey inay soo saaraan qaraar ku aadan dalkaasi kadib markii wadamada China iyo Ruushka ka horyimaadeen in golaha arrintaasi qaraar kasoo saaro.

Shiinaha iyo Ruushka oo kamid ah wadamada xiriirka dhaw laleh dowlada Sudan iyo militariga dalkaasi ka arrimiya ayaa sheegay in xaalada Sudan ay tahay mid u taal shacabka Sudan oo aysan Beesha Caalamka farogelin.

Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Sudan Nicholas Haysom oo horey usoo noqday wakiilkii hore ee Soomaaliya ayaa warbixin uu golaha kasoo jeediyey ku sheegay in xaalada dalka Sudan u baahan tahay in wax laga qabto arrintaasi oo ay ku raacsanaayeen wadamada Midowga Yurub oo cambaareeyey hawlgalka militariga Sudan ku caburinayo shacabka doonaya dowlad rayid ah.

Dhinaca kale waxaa sare usii kacday tirada dadkii ku dhintay hawlgaladii militariga Sudan ay sameeyeen maalmihii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dhimashada ay ka badan tahay 60 qof, shacabka ayaa ku eedeeyey militariga inay qaar kamid ah dadkii ay dileen ay wabiga ku tuureen halka meydadka qaarna ay gubeen.

Askarta ayaa sidoo kale la sheegay inay bilaabeen inay galaan isbitaalada magaalada Khartuum iyagoo baadi goobaya dhaawacyada halkaasi yaal, waxay sidoo kale xireen baraha bulshada ee internetka si aan loogu faafin muuqaalada laga duubay hawlgalada ay wadaan.

Mucaaridka Sudan iyo ururada rayidka oo diiday doorashada militariga sheegay inuu qaban doono 9 bil kadib oo ay sheegeen inaysan noqon doonin mid xor ah, ayaa dhinaca kale ku tilmaamay dilalka ay geysteen ciidamada Sudan “XASUUQ”, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan kacdoonkooda xoriyad doonka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -