Daawo Sawirada :Sida Quruxda badan ee loogu damaashaaday Xaafada Daaru Salaam

Ummadda Islaamka ayaa maanta u dabaal dagaysa maalinka qiimaha leh ee Ciidda Soon fur. Dadka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dabaal degga.

Kumanaan kamid ah dadka reer Muqdisho ayaa saaka u dareeray salaaddii ciidda iyagoo ku tukaday fagaaraha weyn ee deegaanka Daarusalaam.

waalidiin fara badan ayaa caruurtooda u soo kaxeeyey inay ku ogaan salaadda ciidda kulana damaashaadaan deegaanka daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxadda maalintan Ciidda iyagoo isugu hambalyeynayey gudashada waajibaadka rabbi ee bishii Ramadan iyo farxadda maalinka ciidda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Abdirahman Omar Cismaan Yarisow, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Dahir Adan Cilmi, Taliyaha booliska, General Bashiir Abdi Mohamed, Taliyaha Ciidanka lugta, General Odowaa Yusuf Rage iyo Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Tuulax) ayaa kamid ah dadka usoo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam iyagoo waqti la qaatay dadka u soo dalxiis tagay Beerta Daarusalaam.

Gudoomiye Eng Yarisow oo ka hadlayey munaasadbadda ciidda ayaa ugu hambalyeeyey dadka reer Muqdisho munaasabadda ciiddul fitriga sanadka 1440H Isagoo kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed adkaynta mindimada iyo wadajirka.

“Maanta maalin ciid waaye, Marka hore hambalyo hambalyo Ciid Mubaarak, in Soomaaliya sideey ahaan jirtay kusoo noqoto Ciidul Fitriga waxaan rabnaa in ilaahay nooga dhigo tii na mideyso na guuleyso.
Wadankaan wuxuu u baahan yahay waa dhalinyaro, dhalinyaro waxaa la idin karabaa doorka aad ku leedihiin wadanka inaad ka qaadataan. Wadankaan wuxuu ubaahan yahay horumar, horumarkiisana cidda laga rabana waa dhamaanteen. Qof walba waxaa laga rabaa inuu noqdo muwaadin, daacad ah wadankiisa u shaqeeya umadisa u adeega”

Qaarka mid ah dadka u soo damaashaad tagay deegaanka Daarusalaam ayaa iyana dhankooda cabiray dareenkooda farxadeed ee ku aadan munaasabadda salaanna hawada umariyey eheladooda ku kala dhaqan daafaha dunida.

Deegaanka Daarusalaam ayaa martigelinaya sanadkii 5aad oo xariir ah damaashaadka ciiddaha soonfur iyo carafo iyadoo dadweyne aad u fara badan ay sanad waliba ku qaataan maalmaha Farxadda Ciidda.

DCIM100MEDIADJI_0088.JPG
DCIM100MEDIADJI_0128.JPG

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -