Dalalka Aasiya intooda badan oo caawa laga arki waayey bisha Shawaal

Dalalka Aasiya intooda badan ayaa ku dhawaaqay inay waayeen Bishii Shawaal oo maqribnimadii caawa laga baadi goobayay dalalka islaamka oo dhan.

Dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqay ugu horeyn in Berri ay tahay 30-ka Ramadaan, kadib markii la waayay Bishii Shawaal oo aragtideeda laga raadiyey dalkaasi, waxaana sidoo kale dalalka saacadaha badan ka horeeya Geeska Afrika iyo Khaliijka oo Qoraxdu ay u hor dhacdo ay sheegeen inaan la arkin bishii Shawaal ama Soonfur.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa dadweynaha dalkaasi ka dalbatay inay soo sheegaan haddii ay arkaan bisha Shawaal si markhaatigooda loo diiwaan geliyo.

Wararkii ugu danbeeyay ee Sacuudiga ayaa sheegaya in la waayey dhalashada bishii Shawaal, waxaana goā€™aanka rasmiga ah shaacin doonta Maxkamadda Sare ee Sacuudiga oo la sugayo daqiiqado kadib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -