Dhagax inuu cirka kasoo dhaco laga baqayo oo loo diray qalab kahor taga

Dayax-gacmeed ayaa loo diray howlgal lagu tijaabinayo tiknoolojiyad laga damacsan yahay inay mar uun ka takhalusto dhagax halis ah.

Howlgalka Dar oo ay billowday shirkadda Nasa ee hawada sare u qaabilsan Mareykanka ayaa lagu soo eegayaa sida ay u adag tahay in dhagaxaas laga joojiyo inuu kusoo dhaco dhulka.

Dayax-gacmeedka ayaa ku qarxi doona shey lagu magacaabo Dimorphos si loo arko inta uu la egyahay xawaarihiisa iyo sida marinkiisa looga leexin karo.

Haddii dhagaxan uu kusoo dhaco dhulka waxa uu khasaare musiibo ah gaarsiin karaa dhul baaxad weyn oo la eg qaarad dhan.

Dabayaaqadii bishii November ayaa la diray gantaalka Falcon 9 oo xambaarsan dayax-gacmeedka, kaas oo ka baxay saldhig ku yaalla gobolka California.

“Dart waxa uu baddali doonaa oo keliya wax aad u yar oo ka mid ah waqtiga uu orbit-ka Dimorphos ku socdo. Dhab ahaantiina waa intaas uun waxa la rabo si loogu diyaar garoobo dhagax ka horreeya waqtigiisa,” ayay tiri Kelly Fast, oo ka tirsan xafiiska difaaca meeraha dhulka ee hay’adda Nasa.

Iyadoo ka hadleysay dirista dayax-gacmeedka ayay tiri: “Wali waan dhownahay oo waxba nooma hagaagin, waxaan ku khasban nahay inaan gaarno Dimorphos, balse tani waa tallaabo aad u weyn oo horay loo qaaday.”

Dhaxyada hawada sare lagu arkay ayay seynisyahannadu aaminsan yihiin inay qayb ka ahaayeen meerayaasha.

Haddii ay si dhif iyo naadir ah u dhacdo in dhagaxyadan ay ka leexdaan khadka ay ku wareegaan oo ay kasoo gudbaan qorraxda una soo tallaabaan dhinaca dhulka, waxaa ka dhalan karta halis.

Howlgalka Dart, oo ay ku baxeyso lacag dhan $325m (£240m) ayaa lagu bartilmaameedsanayaa labo dhagax oo ku wareega meel isku dhow.

Labada dhagax midka weyn, oo lagu magacaabo Didymos, ayuu cabirkiisu yahay 780 oo mitir ballac ahaan, halka midka yar ee dariska la ah uu dhan yahay 160 mitir.

Dayax gacmeedka ku guda jira howlgalka Dart ayaa ku socon doona wareeg u gaar ah oo ku gedaaman qorraxda. Kaddib waxa uu bisha September ee sanadkan 2022-ka gaari doonaa meesha loogu talogalay si uu u abbaaro dhagaxa isagoo ku socda 6.7 milyan oo meyl.

Dart waxa uu markaas ku qarxi doonaa dhaxaga isagoo xawaarihiisu yahay 15,000mph (6.6 km/s). Taasi waxay baddali doontaa xawaarada uu dhagaxa ku wareegayo oo laga dhimayo wax yar oo la eg hal milimitir ilbiriqsigiiba – sidaasna waxaa laga weecinayaa marinkiisa. Waa isbaddal aad u yar balse ku filan in laga hortago sidii uu ugu soo dhici lahaa dhulka.

Source-bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -