Laamaha Amniga Muqdisho oo lagu amaanay shaqada ay hayaan (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda  Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ( Khader) ayaa xalay guddoomiyay Shirka dardar galinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Xarunta Taliska qaybta guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha gobolka Banaadir , Taliyaha ciidanka booliiska, saraakiil iyo masuuliyiin kale, waxa ayna ka arinsanayeen dar dargalinta amaanka caasimada.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho uu hada meel fiican marayo, waxa uuna xusay in guddiga amniga iyo ciidamada amaanka ay qabteen shaqo badan oo loo riaaqay.

Mahdi Guuleed ayaa laamaha amniga ku ammaanay shaqada ay hayaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan, isaga oo ku baaqay in amniga laga wada shaqeeyo oo shacabka Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan.

Ciidamada booliiska ayaa xoojiyay amaanka caasimada Muqdisho intii lagu jiray bisha barakeesan ee Ramadaan, waxa ayna ciidamada booliiska ku guuleesteen in ay soo qabtaan kooxo badan oo amaanka caasimada halis ku ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -