Jidka dheer ee Boosaaso & Gaalkacyo oo go’ay & Xaalad adag oo ka taagan (Sawirro)

Wadada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa go’day ka dib markii ay saameyn xooggan iyo burbur lixaad leh u geysteen daadad ka dhashay roobab todobaadyadii u dambeeyay ka da’ayay degaannada Puntland.

Wadadan oo halbowle u ah isku-xirka gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa meelo kala duwan ka go’day.

Inta u dhexeysa degaanka Yalho oo ka tirssan gobolka Bari ilaa tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal, waxaa laamigu ka go’ay illaa lix meelood, waxaana gebi haanba joogsaday isu-socodka gaadiidka isaga goosha Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ku xaniban labada dhinac.

Meelaha qaar waxaa la sheegay in laamiga oo dhan uu xaaqmay, halka qeybo  kalena ay ka sameysmeen godad iyo boholo waaweyn.

Sidoo kale, waxa saddex meelood ka burburray wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood oo daadad xooggan ay bohol iyo  godad ka sameeyeen.

Masuuliyiinta Puntland ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in wax looga qabto wadooyinka burburay, iyadoo loo magacaabay guddi 14 xubnood ka kooban oo loo xilsaaray, qiimeynta iyo wax ka qabashada jidadka burburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -