Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Norwey oo Muqdisho soo gaartay (Sawirro)

Wafdi ay horkaceyso Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Norwey haweeneyda lagu magacaabo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Raisul Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamuud Guled iyo xubno kale oo ka tirsan goleyaasha xukuumada ayaa wasiirada ku soo dhoweeyey garoonka Aadan cadde.

“Waxa aan maanta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo Booqasho ku timid dalka” ayuu yiri Mahdi Guled oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Ine Marie Eriksen Søreide ayaa la filayaa iney la kulanto mudada ay dalka joogto Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada Somalia, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Norwey ayaa lagu tiriyaa dalalka ku lugta leh xiisada la xiriirta dhul badeedka ay leedahay Somalia ee dowlada Kenya sheeganeyso, waxaana shirkado shidaalka baara oo laga leeyahay dalkaas ay horey Kenya ula galeen heshiisyo shidaal looga baarayo badda ay kenya sheeganeyso, waxaana booqashada wasiiradan ay ku soo aadeysaa xili dhowaan baarlamanka Somalia uu ansixiyey sharciga batroolka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War Cusub oo kasoo kordhay Dibad Baxyadii ka socday dalka Sudan

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Xaflad weyn oo ka socota Dhuusamareeb iyo Xassan Shiikh oo ka qeyb galaya

Caydiid Ali

Qaraxyo caawa ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---