Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la kulmay Waxgarad ka soo jeeda gobolka Awdal (Sawirro)

Senator Ayub Ismail Yusuf oo ka tirsan xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa xalay magaalada Muqdisho afur sharafeed ugu sameeyey odayaal, dhalinyaro, haween iyo xubno kale oo ka soo jeeda gobolkaas.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotelka Kiin Castle ee magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid senatorka iyo dadka uu metelo ay ku kala war-qaadanayeen iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka Awdal.

Senator Ayub Ismail Yusuf oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay muddo ka dib inuu kulan noocan ah la qaato waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee gobolka Awdal.

“Waxaa sharaf wayn ii ahayd inaan ku dhex jiro dadkayga, waa qiimo weyn inaan kala hadlo tabashooyinkooda iyo baahiyaha loo qabo horumarinta magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka, sidoo kale taageeridda howlaha waxqabad ee Waxbarashada iyo caafimaadka iyo shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyaradda” ayuu yiri Senatorka.

Shacabka gobolka Awdal ayuu ku amaanay iney yihiin dad jecel, wanaaga iyo horumarka, isagoo ugu baaqay iney ka shaqeeyaan nabada oo uu sheegay iney fure u tahay horumar kasta.

“Waxa aan hubaa in dadweynaha Gobolka Awdal ay leeyihiin niyad wanaag ku salaysan dal jaceylka iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya, waligoodna kuma fekerin rabitaan gooni isku taag dalka lagu kala jarayo, waxaanan ku faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxin doonto baahiyaha dadkani sida ugu macquulsan. Waxa aan u gudbin doonaa dhammaan talooyinka la soo jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Mudane Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre si ay u qaataan aragti qaran oo ay ku garab istaagayaan dadka reer Awdal” ayuu yiri Senator Ayub Ismail Yusuf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -