Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay danjiraha Somalia ee dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga.

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha kasoo goosanaya Al Shabaab oo sii kordhaya iyo Hafow Cabdulqaad oo…

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Weerar Caawa lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka degan yahay C/Raxmaan Cabdishakuur

admin

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta ka shiray shan qodob Xasaasi ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---