Shirkadda Facebook oo ku lug yeelatay colaada u dhexeysa Maraykanka & Iran

Shirkadda Facebook oo lug yeelatay colaada ka dhaxeysa Maraykanka & Iran

Facebook ayaa joojisay 51 xisaab shaksiyadeed, 36 bog iyo toddobo group, ka dib markii shirkadda dhinaca amniga internetka ah oo lagu magacaabo FireEye ay ogaatay in dhammaan barahan la xiray laga leeyahay dalka Iran.

Shirkadda FireEye ayaa Talaadadii shalay sheegtay in xisaabahan been-beenta ah laga dhigay in Maraykanka ay ka dhisan yihiin, waxayna isu muujiyeen goob sharci ah oo faafisa wararka Bariga Dhexe, taasoo taageersan dalka Iran.

Faallooyinka oo ku qornaa afafka Ingiriiska iyo Carabiga ayaa lagaga hadlay doodo ku saabsan siyaasadaha Maraykanka iyo Britain, dadka laga tirada badan yahay ee Carabta, iyo raadka dalka Sacuudi Arabia uu ku leeyahay gobolkaas. Faallooyinka ayaa xambaarsanaa aragtiyada muxaafadka iyo kuwa liberalka.

Shirkadda Faceboogga ayaa dhinaceeda sheegtay in, sidoo kale, ay baareyso, isla markaana ay macluumadka la wadaagayso hay’adda amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -