Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada AMISOM oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Waxaa saakay qaraxyo miino lagu weeraray kolonyo gaadiid  ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa laamiga Xaafada Suuqa Xoolaha iyo Isgooska SOS ee degmada Hiliwaa.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qarax miino uu haleelay mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xoogan ay qaraxa uga jawaabayeen.

Daqiiqado kadib ayaa qarax labaad uu mar kale haleelay gaari kale ay wateen ciidamada AMISOM oo wadada dhinaceeda yaalay,  lamana oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxyadan lagu weeraray.

Goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa wali xiran, waxaana goobtaasi jooga ciidamo katirsan AMISOM oo mararka qaarkood rasaas furaya, waxaana wararka aan heleymo sheegayaan in goobta yaalaan gaadiidka AMISOM waxyeelo kasoo gaartay qaraxyada.

Qaraxyadan lagu weeraray ciidamada AMISOM ayaa saameyn ku yeelatay gaadiidka ka yimaada Shabeelaha Hoose iyo sidoo kale gaadiidka Dadweynaha ee inta badan isticmaali jiray Laamiga mara Suuqa Xoolaha.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxyadn kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -