Qarax la galiyay Guriga Musharax Cabdirashiid Xidig oo goordhaw la fashiliyay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in la fashiliyay qarax la doonayay in waxyeelo lagu gaarsiiyo Musharax Madaxweynaha Jubbaland Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan Miino ayaa la galiyay qeybo kamid ah guriga uu magaalada Kismaayo ka degan yahay Cabdirashiid Xidig, waxaana qaraxaasi helay oo fashiliyay ilaalada Musharaxa.

Wali lama oga cida ka dambeysay qaraxan la fashiliyay ee la doonayay in lagu dilo Musharax Cabdirashiid Xidig ah oo musharaxa ugu saameyta badan Musharaxiinta taratanka kula jirta Axmed Madoobe.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharaxa Cabdirashiid Xidig oo qaraxa loo galiyay gurigiisa la fashiliyay, sidoo kale maamulka Jubbaland ee maamulada magaalada Kismaayo ayaan dhankooda ka hadlin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -