Nin isku qarxin rabay Munaasabad ka socotay Guriceel oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna gacanta ku dhigeen nin doonayay in uu isku dhax qarxiyo goob ay ka socotay munaasabad balaaran.

Sida aan Wararka ku helnay ninka doonaay in uu isku qarxiyo munaasabada ka socotay Guriceel ayaa la sheegay in uu kasoo gudbay goobaha baaritaanada, waxa uuna ninkan gudaha u galay hoolka ay munaasabada ka socotay.

Ninkan ayaa kusoo orday goob ay ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan Ahlu Sunna iyo wariyaal , waxaana ninkan taabtay batoonkii uu doonayay in uu isku qarxiyo balse ku guul dareestay in uu qarxiyo.

Ciidamada amaanka Ahlu Sunna ayaa si deg deg ah gacanta ugu dhigay ninka doonayay in uu is qarxiyo, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay si deg deg ah uga furaan qaraxan ku xirnaa kadibna jirdil ku sameeyaan.

Munaasabada la doonayay in la qarxiyo ayaa loogu magac daray maalinta Shuhadada, waxaana munaasabada goob joog ka ahaa madaxda ugu sareysa Kooxda Ahlu Sunna ay ku kamid ahaayeen Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud, Sheekh Maxamed Shaakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Sheekh C/risaaq Al-shcari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -